Dadka cusub ee yimid iyo kuwa dibadda ku dhashay
Halkan waxaan ku soo ururinnaa taageerada loogu talagalay adiga ku dhashay dibadda ama ku cusub degmada.
sigtuna.se waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan:
- Sfi – af-Iswiidhish loogu talagalay soogalootiga
- Hooyooyinka xaafadda (stadsdelsmammor) – waxay aqoon u faafiyaan adiga dibadda ku dhashay
- Walaalaha xaafadda (stadsdelssystrar) – waxay kaa caawiyaan inaad bilowdo shaqo ama waxbarasho
- Turjumaan – waxaad xaq u leedahay turjumaan markaad nala xiriirayso
- Barashada bulshada (samhällsorientering) – koorso ku saabsan bulshada Iswiidhan
Macluumaad ku saabsan bulshada Iswiidhan
Informationsverige.se waa bog internet oo ku saabsan bulshada Iswiidhan oo ku qoran luqado badan. Halkaas waxaad ka helaysaa macluumaad iyo qalab adiga magangalyo-doon ah ama dhawaan helay sharciga degganaanshaha.
Ku soo dhowow inaad nala soo xiriirto
Mar walba waad nala soo xiriiri kartaa. Waxaan si farxad leh kuu tilmaami doonnaa jidka saxda ah. Arrimo badan waxaad si fudud kaga qaban kartaa adeegyadayada dhijitaalka ah – 24 saacadood maalintii.