Qaraabada qofka qaba balwad, ku-tiirsanaan, ama isticmaal waxyeello leh
Way adkaan kartaa in lala noolaado qof ku tiirsan walxo kala duwan ama qimaar lacageed. Adiga oo qaraabo ah ama qof u dhow sidoo kale waxaad naga heli kartaa taageero.
Ma u dhowdahay qof dhibaato ku-tiirsanaan qaba? Waxaan bixinaa taageero shakhsi ah iyo kooxo waddahadal ah oo leh mawduucyo kala duwan labadaba. Qaraabo ama qof u dhow waxaa lagula jeedaa tusaale ahaan lammaane, ilmo, waalid, walaal, qof aad wada nooshihiin ama qof aad la xiriirto oo aydaan wada degganeyn, saaxiib dhow, ama saaxiib shaqo. Waxaan si wadajir ah u noqon karnaa taageero kuwa yeeshay ku-tiirsanaan tusaale ahaan khamri, maandooriye, ama kiniiniyo. Waxay sidoo kale ku saabsan noqon kartaa qimaar lacageed.
Waddahadallo taageero iyo kooxda qaraabada
Waxaad heli kartaa waddahadallo shakhsi ah oo aad la yeelato daaweeyayaasheena ama aad ka mid noqoto kooxdeena qaraabada.
Kooxda qaraabada
Kooxdu waxay isku timaadaan shan jeer, saacadda 15.00–17.00, daryeelka furan ee Degmada Sigtuna ee Södergatan 19a ee Märsta. Halkaas waxaad ku heli doontaa fursad aad kula kulanto dad kale oo isla xaaladdaas ku sugan oo aad khibrad la weydaarsato. Waxaad talo iyo taageero ka heli doontaa labada hoggaamiye ee kooxda iyo sidoo kale qalab la taaban karo oo ku saabsan sida aad ula dhaqmi karto qofkaaga u dhow iyo hagid ku saabsan sida aad u bilaabi karto inaad naftaada mudnaanta siiso. Waxaan ka wada hadallaa, waxyaabo kale oo dhexdeeda ah, cudurrada ku-tiirsanaanta, ku-tiirsanaanta wadajirka ah (medberoende), wada xiriirka, iyo xudduudaha. Kulamadu waxay ka dhacaan koox yar oo xiran. La xiriir Daryeelka Furan ee Tooska ah si aad u hesho macluumaad dheeraad ah iyo diiwaangelin.
Codso taageero ama samee warbixin walaac
Adoo maraya adeegga elektaroonigga ah ee degmada (e-tjänst) waxaad u codsan kartaa taageero naftaada haddii aad ka weyn tahay 18 jir. Waxaad sidoo kale samayn kartaa warbixin walaac oo ku saabsan qof weyn oo aad ka welwelsan tahay, marka ay tahay balwad ama ku-tiirsanaan.